Muqdisho: Hub ka dhigis ka bilaabatay wadada Maka Almukarrama

Read Time:34 Second

Mareeg.com: Ciidamada nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka bilaabay howlgal hubka looga dhigayo dadka sida sharci darrada iyo macno darrada ah ugu waata wadada Maka Almukarrama.

Ciidamada wata astaanta NISA oo wata gaadiidka dagaalka ayaa degay Isgoysyada Sayidka, Dabka, Via Libaria iyo KM4, waxeyna halkaas hubka uga dhigeen askar badan.

Ciidamada ayaa hubka ka dhigaya inta badan gaadiidka ay ka shakiyaan, iyadoo arrintaasi saameyn ku yeelatay gaadiidka qaar oo leh ilaalo ama masuuliyiinta aan magaca dheereyn ee wata ilaalada.

Howlgalkaan oo amarkiisu horay uga soo baxay wasaaradda Amniga Qaranka aya kusoo beegmay xilli ay manta Muqdisho ku shirayaan Wakiilo ka socda Shirkadaha Amaank ee gaarka loo leeyahay iyo wasaaradda Amaanka Qaranka Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %