Muqdisho, Mareeg.com: Magaalada Muqdisho waxaa saaka lagu soo baraaarugay suuqayada oo aan hilib laheyn ama in la helo ay aad u adagtahay, arrintaan ayaa timid kadib khilaaf soo kala dhex galay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada hilibka oo hadda xoolaha ku qala Kawaanka Bari ee degmada C/caziiz.
Wararka ayaa sheegaya in hilib la’aanta saakay ka jirta magaalada Muqdisho ay ka dambeysay markii uu muran soo kala dhex galay Ganacsatada Xoolaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamusha kawaanka oo isku dhinac ah oo la sheegay in canshuurta xoolaha lagu qalo la kordhiyay.
Sidoo kale ganacsatada ayaa ka careysan rasaas 3 habeen ka hor lagu furay rag xoolo qalayey, taasoo keentay geel dhintay iyo qaar dhaawacmay.
Maqaayadaha magaalada Muqdisho ayaa durba saakay laga dareemay hilib la’aanta, inkastoo kuwa qaar ay qalanayeen Xoolaha Ariga. Sidoo kale waxaa saaka hilib waayey boqolaal kun qoys ee Muqdisho ku nool oo markii ay tageen suuqyada hilibka ka waayey hilib ay iibsadaan.
Qaar ka mid ah ganacsatada hilibka ayay xireen ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib markii ay diideen iney bixiyaan lacago lagu kordhiyey canshuurta laga qaado neefka geela ah ee la qalayo oo markii hore aheyd 70 kun balse hadda la gaarsiiyey 200 kun Sh. So. Ah sida uu Mareeg u xaqiijiyey mid ka ganacsatada hilibka Muqdisho.
Ganacsatada la xiray ayaa xalay Kawaanka Bari u tegay iney la xaajoodaan xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo shirkad la sheegay iney ku lug maamulka Kawaanka, horyana u dayactirtay kawaankam hase ahaatee markii xaajada la isku mari waayey ayaa ganacsatada oo lagu eedeeyey amar diido lagu guray gaari shabaqle ah, waxaana loo qaaday saldhiga Afar Irdood, kadibna saaka ayaa la geeyey saldhga Bari ee degmada C/caziiz.
Ganacsatada la xiray ayaa sheegay inaan wax dhibato ah loo geysan, marka laga reebo in laga qaaday xorriyadda, waxaana maanta wada hadal dhex marayaa ganacsatadaas iyo xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadda maamusha Kawaanka Bari.
Dhanka kale, ganacsatada hilibka Muqdisho oo horay maamulka gobolka Banaadir ugu amray ineysan xoolo ku qali Karin meel aan aheyn Kawaanka bari ee degamada Kaaraan ayaa sheegay iney halkaas ku qabaan dhiubaato weyn, iyadoo xoolaha la qalayo ay ka bateen kawaankaas.
Ka hor inta aan dib loo howlgelin kawaanka Bari ee Muqdisho waxaa xoolaha geelaha ee hilibkooda suuqyada la keeno lagu qali jiray 3 deegaan oo kala duwan, mid ka mid ah wuxuu ku yaallay degmada Kaaraan, Midna wuxuu ku yaalla degmada Wadajir, halka kana kalana ku yaallay degmada Deyniile.
Geelii lagu qali jiray 3-daas gooboob ayaa la isugu geeyey Kawaanka Bari iyadoo la fulinayo amarka maamulka gobolka Banaadir, hase ahaatee waxey ganacsatada hilibku sheegayaan in kawaanku qaadi la’yahay xaddiga xoolaha ay qalaan, iyadoo dhegaha laga fureystay codsiyo ay jeediyeen oo ahaa in kawaano kale laga dhiso Wadajir iyo Deyniile.
3 habeen ka hor, rasaas askari ku riday rag geel ku qali rabay banaanka kawaanka kadib markii ay waayeen meel gudaha kawaanka wax ku qalaan ayaa dishay neef geel ah, labo kalan dhaawac ayaaa soo gaaray, waxaase Alle badbaadiyey ninkii rasaastaas lagu riday, siday ay Mareeg u shegeen dad ka ganacsada xooloqalka.
Ganacsatada xoolaha ayaa sheegaya in xoolaha la qalayo oo badan iyo deegaanada hilibka loo kala qaadayo oo aad u fog ay dhib badan ku qabaan sidii waqt munaasab ah ay hilibka ugu diyaari lahaayeen.
Go’aanka maamulka gobolka Banaadir kusoo saaray in hilibka lagu qalo Kawaan Bari oo kaliya ayaa ahaa mid looga gol lahaa soo celi nidaam iyo fayo dhowrka caafimaadka, hase ahaatee dhibaato kale ayaa soo wajahday ganacsatada hilibka, taasoo ah ciriir farabadan iyo dhulka oo ku dheeraaday.
Mareeg.com