Muqdisho: Haweeney toogatay Seygeeda oo ka tirsanaa shqaalaha Dowladda Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Nin la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda rrimaha gudaha Soomaaliya ayaa xaaskii uu qabay xalay ku toogtaya xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Sheekh Sadiiq wuxuuna kamid ahaa shaqaalaha Wasaarada arimaha gudaha.

Haweeneyda ayaa dilka ninkeeda u adeegsatay bastoolad uu isagu lahaa, waxaana warar soo baxay sheegayaan iney arrintaas loo aaneynayo msaeyr.

Sannadkii hore ee 2013 ayay ahayd markii haweeney aysan sidan oo kale u dishay saygeeda oo ka mid ahaa saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka, xilli ay ku dishay qori uu isagu lahaa.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245