Muqdisho: Guri la boobay 23 sano ka hor oo xoog lagu soo celiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Guri la boobay 23 sano ka hor oo xoog lagu soo celiyey

(Haweeneyda guriga loo xukumay), Xuquuqda sawirka: Radio Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Maamulka cusub ee degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa awood dib ugu soo celiyey guri xoog lagu heystay muddo 23 sano ah, kaasoo ay leedahay haweeney Soomaaliyeed.

Wareejinta gurigaan ayaa timid kadib markii maamulka gobolka Banaadir uu amar ku bixiyey in gurigaas cidda degan xoog looga saaro maadamaa maxkamadda gobolka Banaadir arrinkaas xukuntay.

Guddomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa, Maxamed Axmed Xaashi “Qoslaaye” iyo taliyaha ciidanka booliska degmadaas, Gaashaanle Khaliif Ilkacase ayaa hoggaaminayay howlgalkan gurigaan loogu soo celiyey hooyo Soomaaliyeed, taasoo guriga xoog looga heystay muddo 23 sano ah.

Sidoo kale, waxaa degmada Hliwaa laga bilaabay howlo lagu burburrinayo guryaha soo galay jidadka, arrinkaas oo uusan waxba ka qaban maamulkii hore ee xilka laga qaaday.

Degmada Hiliwaa ayaa ka mid ah degmooyinka sida weyn loo boobay hantida sida gaarka ah loo leeyahay kadib markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii, iyadoo degmadaas iyo degmooyin kale lagu arkayo dad is-laheysiiyey guryo horay looga qaxay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa dhawaan sheegay inaan la sii heysan doonin guri uu leeyahay muqaadin Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dadka burcadda ah laga saarayo guryaha ay heystaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!