Muqdisho: Gudoomiye ku xigeen degmo oo ku dhawaaqay inuusan qaadi karin xilkii loo dhiibay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Gudoomiye ku xigeen degmo oo ku dhawaaqay inuusan qaadi karin xilkii loo dhiibay

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiye ku xigeenkii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, Fooley Dhiblawe Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii dhawaan loo magacaabay.

Fooley oo la hadlay Radio KNN ayaa sheegay inuuusan qadin Karin, islamarkaana u diyaarsaneyn xilka gudoomiye ku xigeenka degmada Dayniile oo loo magacaabay 5-tii bishaan.

“Waxaan cadeynayaa inaan iska casilay xilkii gudoomiye ku xigeenka dgemada Deyniile oo la ii magacaabay 5-tii bishaan, ma qaadi karo xilkaas” ayuu yiri Fooley Dhiblaawe oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta gudaha.

“Markii hore diyaar ayaan ahaa, hase ahaatee markii aan arkay shaqada xoogeeda ayaan ogaaday inaan khaldanahay” ayuu sidoo kale yiri Fooley.

Dhawaan ayaa waxaa xilalkii loo magacaabay iska casilay ahhayeenkii maamulka gobolka Banaadir, Cabdil Baasid iyo gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo dimuquraadiyeynta, Kamaal Guutaale, waxaana boosaskooda loo dhiibay rag cusub.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.