Muqdisho: Golaha Wasiirrada oo meel mariyey Xeerka Nidaamka Garsoorka

Read Time:1 Minute, 23 Second

Mareeg.com: Shirka golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga doodey xeerka Nidaamka Garsoorka Federaalka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda, shirka waxaa  guddoominayey  kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Cabdullaahi Jaamac.

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya markii uu dhammaaday waxaa warbaahinta u sharaxay Shirka Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda, Axmed Cabdullaahi Jaamac. Xeerka Nidaamka Garsoorka Federaalka ee ay golaha wasiirrada ansixiyeen waxa uu qeexayo xeerkan iyo sida uu muhiim ugu yahay dhismaha  hey’adaha Garsoorka Soomaaliya.

“Barlamaanka ayaa la geeyey maanta  ayaana la ansixiyey, qodobada Dastuurka ayey ku xusan tahay arrintan waxa uu xeerkan qeexayaa awoodaha maamullada iyo maxkamadaha, sida Maxkamadda Darajada Koobaad, midda Racfaanka iyo Maxkamadda sarre, xeerarkaas ayaana lagu kala saarayaa iyo dambiyada la galo, sida qayaanno Qaran cidda qaadeysa” ayuu yiri wasiir Ilka-jiir.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Cabdullaahi Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay boggaadineyso habsami u socodka shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, waxa uu intaa raaciyey in weli ay socdaan  dadaallada lagula hadlayo maamulka Jubaland si loo xaliyo cabashooyinka taagan xiligaan.

“Arrimaha ku aadan Dastuurka Cadaado lagu ansixiyey waa howl wanaagsan golaha Xukuumadda weli looma soo gudbin waan sugeynaa, shirkaasina in ay wax fiican ka soo baxaan ayaan rajeynayaa, dadaallada ku aaddan xalinta cabashooyinka Jubaland waa lagu howlan  yahay dhowaan wax lagu farxo ayaa ka imaan doona halkaasi si aan u wada gaarno dib u heshiisiinta buuxda”sidoo kale yiri Ilka-jiir.

Bishii October ee sanadkii hore ee 2014 ayaa wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya waxey Muqdisho ku qabatay shir wadatashi ah oo ku saabsanaa Xeerka Nidaamka Garsoorka ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.