Muqdisho: Geerida qoys sumoobay oo gaartay 7

Muqdisho – Mareeg.com: Qoys dhawaan ku sumoobay maado aan la garaneyn, lagana keenay tuulo hoos timaadda degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa geeridoodu gaartay 7 ruux, kadib markii xalay ay Isbitaalka Keesaney ee Muqdisho ku geeriyoodeen labo carruur ah oo qoyskaas ka mid ahaa.

Sheekh C/qaadir Soomow oo ka mid ah ehellada qoyskaan sumoobay ayaa saaka warbaahinta u sheegay in xalay gabar iyo wiil ka mid ahaa dadkaas sumoobay ay ku geeriyoodeen Isbitaalka Keysaney.

Dadka suntaas horay ugu geeriyooday ayaa ahaa 5 qof oo ay ku jirtay hooyadii qoyska, 2 ka mid ah ayaa ku geeriyooday goobtii ay ku sumoobeen, 1 ka mid ah wuxuu geeriyooday intii Muqdisho loo soio weday, halka 2 kale ay horay ugu geeriyoodeen Isbitaalka.

Waxaa hadda Isbitaalka Keysaneyn lagu dawenayaa 3 qof oo kale oo ay ku jirto Islaan waayeel ah oo ah hooyada aabaha leh qoyska sumoobay oo isagu caafimaad qaba.

Sheekh Soomow ayaa baaq kale u diray dowladda Soomaaliya iyo cid kasta ee wax u qaban karta 3-da qof ee soo haray ee yaalla Isbitaalka Keysaney, kuwaasoo uu sheegay iney u baahan yihiin daryeel caafimaad oo dheere ah.

Todobaadkii hore ayaa qoyskaani mar qura soo dhaceen, iyadoo la sheegay iney sumoobeen wax ay cabeen ama ay cuneen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245