Muqdisho: Gaari miinyesan oo isku qarxiyey bar kontorool

Muqdisho – Mareeg.com: Gaari laga soo buuxiyey walxaha qara ayaa saaka ku qarxay jidka dhexmara xarrunta Otto-Otto iyo taallada Sayidka, oo aan wax badan ka fogen xarrunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sdia uu Mareeg Media u sheegay qof goobjooge ah, gaariga qarxay ayaa lagu joojiyey bar kontorool oo ciidamada birmadka ah ay ku leeyihiin agagaarka taallada Sayidka, wuxuuna qarxay markii la isku dayey in la baaro. Afar qof oo labo ka tirsan ay ahaayeen askar ka tirsanayd ciidanka dowladda ayaa ku dhimatay qaraxa ismiidaamin ah, sida uu warbaahinta u sheegay Qaasim Rooble oo ka mid ah saraakiisha booliska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay labo ruux oo shacab ah oo la sheegay iney ahaayeen barakacayaal.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari Noah ah oo lagu soo xiray walxo qarxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 qof oo 7 ka tirsanaa ay yihiin carruur ay dhaleen qoysas soo barakacay oo ku nool beertii hore ee Daraawiishta iyo 2 askari.

Xarrunta Golaha Shacabka oo dhowr tilaabo u jirta goobta maanta qaraxu ka dhacay ayaa horay Alshabaab is-qarxin iyo weerar ula beegsadeen.

Qaraxa manta ka dhacay agagaarka baarlamaanka ayaa kusoo beegmay xilli xildhibaanada manta loo aqrinayey warbixin ku saabasan xisaabka xirka miisaaniyadii dowladda ee sanadkii 2013.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245