Muqdisho: Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xiray laabo idaacadood * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xiray laabo idaacadood

Mareeg.com: Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ayaa maanta albaabada isugu dhuftay Idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM oo ah kuwa mataano oo ah la isla leeyahay, kuna yaallay degmada Hodo nee magaalada Muqdisho.

Ciidamada nabadsuigadda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay labadaas Idaacadood ooh al dhisme wada degan, waxaana wararka qaar sheegayaan in la xiray qaar ka mid ah shaqaalaha.

Maxamed Muuse oo ka mid ah shaqaalaha idaacadda Shabeelle ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay gudaha u galeen xarunta idaacaddooda, halkaas oo ay ka qaateen qalabkii, iyagoo xiray qaar ka tirsan shaqaalaha.

Labadan Idaacadood oo saaka hawada si toos ah ugu jiray ayaa soo tebinayey debadbaxyo ay dhegayeen qaar ka mid ah taageerayaasha Axmed Daaci iyo C/llaahi Sheekh Xasan.

Ka hor salaadii Jimcaha, Radio Shabelle ayaa baahinayey barnaamij lagu wareysaneyn Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo saaka gurigiisa la weeraray, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Jen. Maxamed Nuur Galaal, kuwaasoo ka hadlay weerarkii saaka iyo xalay lagu qaaday Axmed Daaci iyo C/llaahi Sheekh Xasan.

Ma jiro war kazoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan xiritaanka labadan Idaacacood, hase ahaatee waxaa halkaas tegay afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cusmaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!