Muqdisho: Dowladda oo bilowday iney dadka ka saarto xerooyinka ciidamada (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Dowladda oo bilowday iney dadka ka saarto xerooyinka ciidamada (Sawirro)

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa bilwoday iney dadka shacabka ah ka saarto xerooyinka ciidamada, si ay u adeegsadaan milateriga Soomaaliya oo dib u dhis ku socdo.

Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa dhawaan amar ku siiyay dadkii degnaa Xeradii Damaanyo ee ku taalla degamada Hodon ee Muqdisho in ay halkaasi isaga guuraan.

Xerada oo laga dhex dhisay guryo farabadan oo boqolaal ah ayaa waxaa ciidamada Milatariga dadkii deganaa ku amreen in ay waxa ay halkaas ka dhisteen dunsadaan, alaabtoodana ay meesha ka qaataan.

Xerada ayaa dadkii deganaa baneeyeeyn, waxaana la dajiyay ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya kadib qaar ka mid ah dadkii oo madax adeygay xoog looga saaray.

Xerada Damaanyo iyo Ex-Warshadii hore ee Caanaha, waxaana dhismayaashaasi ay ahaayeen kuwa ay laheed Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, waxaana 20-kii sano ee ugu dambeeyey deganaa dad shacab ah.











Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More