Muqdisho: Dharkeynley Oo Markii Ugu Horresay Yeelatay Xarrun Laga Maamulo Degmada

Read Time:1 Minute, 15 Second

Muqdisho: Degmada Dharkeynley ee ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay taariikhda yeelatay xarrun degmo oo maamulku ku shaqeeyo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ay wehliyaan Kuxigeenkiisa, xubnaha maamulkiisa iyo gudoomiyaha degmada Dharkeynley Macallin Cabdulle Cali Hilowle ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo ay yeelato Dharkeenley.

Degmada Dharkeynley oo intii uu jiray maamulkii Milateriga Jaalle Maxamed Siyaad Barre laga jaray degmada deriska la ah ee Wadajir ayaan horay u laheyn xarruna maamulka degmada, hase ahaatee maamulka gobolka ee xilligaan jira ayaa ku guuleystay iney degmadaas u dhisaan xarrun maamulku ku shaqeeyo.

Munaasabad xariga looga jarayay xarunta cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf isugu jirtay dadka deegaanka, haween iyo dhalinyaro, kuwaasoo cod dheer ku soo dhoweeyay dhismaha xarunta oo noqoneysa mid loogu adeego shacabka.

Ugu horeyn waxaa goobtaasi hadalo mahadcelin ubadan ka jeediyay Guddoomiyaha dagmada Dharkinleey Macalin Cabdulle Cali Hilowle, wuxuuna sheegay in dadka dagmadaasi ay si aan kala har laheyn uga mahadcelinayaan dhismaha xaruntaas oo uu maamulka Gobolka Banaadir hirgeliyay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr. Tarsan oo gabagabadii ka hadlay ayaa kula dardaarmay dadka degmada adkeynta iyo taaba gelinta dariseynta oo ah mid amniga iyo horumarka dagmada Dharkeynley wax weyn ka tari karta.

Gudoomiye Tarsan ayaa ku amaanay maamulka degmada Dharkeynley in ilaa 60 guri oo laga heystay dadkii lahaa ay shuruurd la’aan ku wareejiyeen dadkii lahaa.

Maamulka hadda ka jira gobolka Banaadir ayaa qabtay howlo badan oo la taaban karo, inkastoo weli howlo badan horyaallaan.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %