Muqdisho: Degmo kasta oo ay amaanka kala shaqeynayaan labo wasiir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Degmo kasta oo ay amaanka kala shaqeynayaan labo wasiir

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen golaha Wasiirada, waxaana kulankan ka soo qeybgalay madaxda maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka iyo taliyeyaasha saldhigyada, waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd adkeynta amniga gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Taliyeyaasha ciidanka Boliiska iyo Nabadsugida, waxaana lagu lafa guray sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen howlwadeenada gobolka iyo xubnaha golaha Wasiirada, waxaana degmo kasta si gaar ah loogu xil saaray 2 Wasiir oo la shaqeyn doonta guddi ka kooban maamulka degmada, qeybaha bulshada degmada, xubin Baarlamaanka ka tirsan iyo labadaasi Wasiir. Waxayna si gaar ah ula socon doonaan xaaladda amni ee degmada.

Sidoo kale, kulankan ayaa lagu wargeliyay dhamaamba guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha saldhigyada go’aanada shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirada si loogu badalo waxqabad.

Markii uu soo idlaaday kulankan ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre, isaga oo xusay in kulankan muhiimadisu ay aheyd sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda oo ay labo maalin ka hor ka dhaceen falal argagixin ah, wuxuuna tilmaamay in go’aano wax ku ool ah la isla gaaray si loo xanuujiyo caddowga loogana hortago falalka khal khalgelinta amniga ah ee ay mar marka qaar ka sameeyaan magaalada.

“Caddowgu wuxuu soo weeraray goobtii astaanta u aheyd Qaranimada Soomaaliya ee madaxtooyada, Xukuumaduna waxay si deg deg ah uga bixin doontaa jawaab xanuujisa caddowga” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

Ugu dambeyntiina, kulanka ayaa waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo faray dhamaamba hay’addaha amnigu inay si adag u wajahaan waajibaadkooda dhanka amniga ayna ka hortagaan fal kasta oo caddowgu ku doonayo inuu ku khal khalgeliyo amniga shacabka.

DHAMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!