Dalladaha Waxbarashada oo qaadacay Imtixaan mideysan oo dowladdu wadday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dalladaha Waxbarashada oo qaadacay Imtixaan mideysan oo dowladdu wadday

Mareeg.com: Shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen Dalladaha Waxbarashada Ahliga ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayey ku sheegeen ineysan suuragl aheyn in xilligaan la qaado imtixaan mideysan oo ay waddo wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaarada Waxbarashada Xukumadda Soomaaliya ayaa dhawaanahan sheegeysay in dalka lagu qabanayo Imtixaan mideysan oo loo qabanayo Fasalka 4-aad ee dugsiyada sare.

Haddaba dalladaha Waxbarashada ayaa maanta Muqdisho ka sheegay ineysan suuragal aheyn in dalka laga qaado imtixaan mideysan oo u sababeeyey amaankja oo xun, manhajn mideysan oo aan jirin iyo imtixaanka oo aan la wada gaarsiin karin dalka oo dhan.

Aweys Sheikh Maxamed oo u hadlay Daladaha ayaa sheegay in Imtixaanka 2014-2015 uusan dalka si mideysan uga dhici karin.

Dalladaha ayaa sheegay iney 6 sababood uga joogsadeen imtixaanka ay waddo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo la qorsheeyey 30-ka bisha May.

1- Xaalad Nabadgelyo ee dalka ka jirta.

2- Iyadoo uusan jirin diyaar garow lagu qaadi karo imtixaan mideysan lagu qaadi karo.

3- Iyadoo uusan jirin xeerka Waxbarashada gaarka loo leeyahay.

4- Iyadoo uusan jirin Manjhan mideysan oo dhameystiran.

5- Imtixaanka oo aan hal mar la wada gaarsiin karin goobaha dugsiyadu ku yaallaan.

6- Iyadoo uusan jirin Imtixaan mideysan oo ay ku heshiiyeen wasaaradda Waxbarashada iyo dalladaha.

Alshabaab ayaa horay ugu hanjabay iney tilaabo ka qaadi doonaan ciddii ka qeybgasha imtixaanka ay waddo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka ay maanta gaareen dalladaha waxbarashada.

Dalladaha Waxbarashada ayaa qaadi raba Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasallada Form4 9-ka bishaan May oo ku beegan maalinta sabtida ah ee soo socota.

Shir shalay Muqdisho ku dhex maray wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Arrimaha Bulshada ee baarlamaanka ayaa lagu sheegay in la isla gartay in ardayda Form4-ka laga qaado imtixaan mideysan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!