Muqdisho: Dagaal xalay ka dhacay guri uu degan yahay xildhibaan (Yaa weeraray?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Dagaal xalay ka dhacay guri uu degan yahay xildhibaan (Yaa weeraray?)

Mareeg.com: Ciidamo la sheegay iney ka tirsaqn yihiin kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday guri aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaadoo uu deganaa Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare.

Lama oga sababta weerarkaas, hase ahaatee xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lagu soo qaaday uu ka dhigan yahay iskuday dil. Waxaa jira warar sheegaya iney jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkaas.

Aqalka Xildhibaankaan uu degan yahay ayaa waxa uu ku yaala Dhabarka dambe ee Hoteelka Jazeera Nawaaxiga Garoonka Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in xilliga la weeraraye ay wada joogeen nin lagu magacaabo Cabdi Nuure Siyaad oo ka mid ahaa ragii 2006 la baxay Isbaheysiga La dagaallanka Argagixisada.

Ciidamada Nabadsugida ayaaney u suurageliweysay inay galaan aqalka Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare, kadib markii dagaal uu halkaasi ka dhacay, ciidamada Ilaalada C/wali Qanyare ayaa iska difaacay ciidamada soo weeraray.

Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare oo ka hadlay weerarka lagu soo qaaday, ayaa sheegay inuusan garan karin sababta ka dambeysa in ciidamada Nabadsugida ay soo weeraraan isaga oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka.

Sidoo kale Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare ayaa sheegay in noloshiisa halis la geliyay oo aqalka lagu soo weeraray. Wuxuu diiday in cidda la weerarey tahay Cabdi Nuure Siyaad.

Wararka ayaa sheegaya in weli ay ciidamadu is hor fadhiyaan balse ay ku dhex jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo odayaal si uusan usii socon dagaalka.

Sidoo kale, waxaa goobta dagaalka ka baxsaday Cabdi Nuure Siyaad oo wararka qaar sheegayaan inuu bartilaameedku isagu ahaa.

Ma jiro war kazoo baxay wasaaradda Amniga Soomaaliya, kaasoo ku saabsan weerarkii xalay ka dhacay Mqudisho. Horay waxaa ciidamada amaanka Soomaaliya hub farabadan kazoo qabteen Garaash uu lahaa Marxuum Cusmaan Caato iyo guri uu degnaa C/fataax Shaaweey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!