
Read Time:54 Second
Mareeg.com: Waxaa saaka si rasmi ah Hotelka SYL ee ee magaalada Muqdisho ka furmay shirka wasiirrada arrimaha debadda IGAD.
Shirka IGAD waxaa furitaankiisii ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dnajire Nickholas Kay, wakiilo ka socda beesha Caalamka iyo hay’ado taageera dowladda Soomaaliya.
Shirkani oo socon doonana muddo hal cisho ah, ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, Ethiopia Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Djibouti Mahamoud Ali Youssouf, South Sudan Dr. Barnaba Marial Benjamin, Sudan Ali Karti, Kenya Amb. Amina Mohamed, Uganda Henry Okello Oryem iyo Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Eng. Mahboub Maalim.
Waxyaabaha shirkaan looga hadlayo waxaa ka mid ah halka uu marayo qorshaha Hisgsiga Cusub iyo arrimaha doorashada ee la doonayo iney dalka ka dhacaan sanadka 2016.
Munaasabadda furitaanka kadib waxaa shirka isu soo haray 7-da wasiir arrimo debadeed ee IGAD oo kuwaasoo ku jira shir albaabadu u laaban yihiin.
Waxaa la filayaa in isla maanta shirkaas laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga wada hadlay iyo natiijada kasoo baxday.
Mareeg Media