Muqdisho, Mareeg.com: Ciyaaryahan u dhashay dalka Kenya oo u ciyaara kooxda Banaadir Sports Club ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo sabti ah la shaaciyey inuu qaatay diinta Islaamka, isagoo markii hore ahaa Kiristan.
Cayaaryahankan ayaa ka mid ah seddax cayaartoy oo dhawaan kooxda Banaadir ay kala soo wareegtay kooxaha heerka koobaad ee dalka Kemya.
Ciyaaryhankan ayaa lagu magacaabi jiray Marsel Samtal Odiyambo oo ah xidig xaga weerarka kaga ciyaarah kooxda Banaadir oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya, wuxuuna markii uu qaatay Islaamka la baxay magaca Muxamed.
Abuukar Maxamed Sheekh oo ku magac dheer Afwayne oo ah gudoomiyaha kooxda Banaadir ayaa arrintaan warbaahinta xaqiijiyay, isagoona sheegay in ay ku qalqaaliyen inuu qaato diinta islaamka ugu dambeyna uu isaga go’aanka qaatay sidaasina uu diinta islaamka ku qaatay.
Weeraryahankaan u dhashay Dalka Kenya ayaa kooxda Soomaaliya ka dhisan ee Banaadir ku soo biiray Sanadkaan Sadax kulan uu u saftayna wuxuu u dhaliyay Labo gool, wuxuuna qaata lanbarka 12-aad wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Kenyaan ah gool ka dhaliyaa horyaalka Soomaaliya.
Isagoo la hadlaayay wariyaasha ayuu sheegay in uu qaatay diinta Islaamka uuna ku faraxsan yahay in uu sii joogo dalka Soomaaliya, haddii u u dhammaado heshiiska uu kula joogo kooxda Banaadir.
Mar la weydiiyay wax yaabaha uu jeclaan lahaa haddii uu islaamay, wuxuu sheegay in uu doonayo in uu guursado gabar Soomaali ah sida uu hadalka u dhigay.
Ciyaaryahankaan ayaa sheegay in gabdhaha Soomaalida ay yihiin kuwa xishood iyo asturlaan ay ka muuqato.
Mareeg.com