Muqdisho: Ciidamo baaritaan ka weday Dharkeynley oo dilay wadaad

Mareeg.com: Askar kala duwan oo ka tirsan ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa shalay ilaa xalay labo ruux siyaabo kala duwan ugu dilay magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan nabadsugida ayaa xalay degmada Dharkeenley ku dilay nin Wadaad ahaa oo darsi diini ah ka aqriyay dugsi ku yaal degmadaas.

Sheekh Xasan Sheekh Axmed ayaa la dilay xilli ciidamada nabadsugida ay degmada Dharkeenley gaar ahaa xaafada Kaawa-godey ay ka wadeen howlo baaritaano ah.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Aadan Maxamed Cumar ayaa sheegay in askar ka mid aheyd ciidamada nabadsugida degmada ay falkan geysteen, iyagoo howl galo ku jiro, waxaana uu tilmaamay inay gacanta ku hayaan askariga falka dilka geystay, ayna baarayaan sababta dilka u dhacay.

Dhanka kale, askari ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ayaa shalay afadiisii ku dilay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, iyadoo dilka uu ka dambeeyay markii uu murun soo kala dhexgalay.

Dilka waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Sarindi, halkaa oo sida la sheegay ay dhawaan soo deggeen qoyska askariga, waxaana la tilmaamay in haweeneyda uu dilay aynaan wax ubad ah u dhalin.

Dadka ku dhaqanka Sarindi, ayaa waxay xaqiijiyeen in lamaanahaan uu murun ku dhex oognaa toddobaadyadii la soo dhaafay, xilli muddo aan badnayn ay nolosha wada qaybsanayeen.

Askariga dilka geystay, ayaa waxa uu ka baxsaday Degmada Xamar Jajab, waxayna laamaha ammaanka goobtaasi gaareen, xilli uu ka cararay askarigaasi.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245