Muqdisho: Ciidamo Loogu Magac Daray Cali Boobaaye 2 Oo Hub Loo Qyebiyey (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Ciidamo Loogu Magac Daray Cali Boobaaye 2 Oo Hub Loo Qyebiyey (Sawirro)

Muqdisho, Mareeg.com: Ciidamo milateri ah oo lagu tababaray Muqdisho, looguna magac daray Cali Boobaayey 2 ayaa shalay loo qeybiyey hub iyo qalab ciidan kadib markii uu u dhamaaday tababar ay siiyeen saraakiil ciidan oo ka socda Midowga Yurub.

Ciidamadan ayaa loo dhammeystiray dhammaan qalabkii iyo gaadiidkii ay ku howlgeli lahaayeen; waxaana la marsiiyay nidaam cusub oo loogu talo-galay in lagu ogaado askariga ciidamada ka tirsan ee hubka la siiyay.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi iyo saraakiil ajnabi ah ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu soo xiray tababarkan ee hubka iyo qalabka kale loogu qeybiyey.

Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa ciidamada la tababary ku wargeliyey in laga doonayo iney la dagaallamaan Alshabaab, islamarkaana aysan dhibaato u geysan dadka Soomaaliyeed ee shacabka ah.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad ka qaybqaadataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadaallada nabadda lagu adkeynayo,” ayuu taliyuhu ku yiri ciidamadaas, isagoo intaas ku daray in looga baahan yahay ciidamada in ay ka fogaadaan kuwa sida qaldan u istcmaala direyska ciidanka.

Ciidamadan ayaa noqonaya qeybtii ugu horreysay gudaha dalka lagu tababaro tan iyo markii howlaha tababarka Midowga Yurub laga soo wareejiyey dalka Uganda oo horay loogu qaban jiray.
Magaca ciidamadan loogu magac daray ee Cali Boobaaye 2-magacaas ayaa ah magaca ciidamadii ugu horeeyay ee lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!