Muqdisho: Ciidamada Badda Oo Xusay Sanad Guuradoodii 49-aad
Muqdisho – Mareeg.com: Sanadguuradii 49-aad ee aasaaska ciidamada badda Soomaaliya ayaa maanta laga xusay Muqdisho.
Munaasabadan loogu dabaaldegayay sanadguuradii 49aad ee kasoo wareegatay markii la aas asaay ciidamada badda iyo difaac xeebah dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta taliska ciidamada badda ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadani waxaa ka qeybgalay Xubno ay kamid yihiin Wasiirka gaashaandhigga Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Nadiifo Xasan Cusmaan, Wasiiru dowlaha Wasaaradda gaaahaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku-xigeenka dekadaha iyo gaadiidka badda Janmaal Xasan Ismaaciil, saraakiisha ciidamada Badda, Cirka, Xoogga dalka, Wakiillo ka socday Dowladaha Turkiga, Imaaraadka carabta iyo marti sharaf kale.
Wasiirka gaashaandhigga iyo saraakiisha ciidamada ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo difaac xeebaha dalka, iyadoo ciidamaduna ay gaardis kusoo mareen madaxda hortooda, waxaana sidoo kale ciidamadu ay badda kusoo bandhigeen dhoolatus ay ku sameynayeen doomaha ay ku howlgalaan ciidamada.
Wasiirada Howlaha guud iyo Gaashaandhigga ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada badda sanadguurada 49aad, iyagoo tilmaamay in ciidamada badad ay door firfircoon ka qaadan jireen dedaallada lagu xaqiijinayo ammaanka badaha dalka oo dhan.
Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha dalka aya la aas aasay 10 February 1965-tii iyado Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ay qorsheynayso inay tirada ciidanka badda gaarsiiso 2,000 askari, kuwaasoo lagu qalabayn doono qalabkii ciidan oo ay u baahnaayeen si ay u xoojiyaan ammaanka guud ee xeebaha Soomaaliya.
Mareeg.com
Comments are closed.