Muqdisho: Labo carruur ah oo ku geeriyootay darbi kusoo dumay gurigooda
Muqdisho – Mareeg.com: Laba carruur ah ayaa geeriyootay, hooyadoodna dhaawac ayaa gaaray kaddib markii uu ku dumay darbiga guri saaraa guri ay deganaayeen deegaanka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu xalay Muqdisho ka curtay roobka gu’a, waxaana la sheegay in guriga soo dumay uu ahaa gur aan dhisme ahaan adkeyn.
Axmed Ibraahin Nuur oo ah wiil la dhashay carruurta geeriyootay oo gabdho ahaa ayaa R.M u sheegay in roobkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho uu sababay in uu soo dumo derbi ku dhawaa guriga ay degganaayeen, taasoo keentay iney geeriyoodan labo gabdhood oo yaryar, islamarkaana hooyadood dhaawacanto.
Caruurta geeriyootay ayaa waxaa da’dooda lagu sheegay 4-5 sano jir, halka hooyadoodna uu soo gaaray dhaawac garabka ah.
Aqalka reerkaan ay ku jireen ayaa wuxuu ahaa dhismo jiingad ka sameysan, waxaana ka agdhawaa guri dabaq ah oo dhismihiisa aan wanaagsaneyn, waaana mida keentay in dabaqa uu kusoo dumo.
Xalay markii ay saacaddu aheyd 4:30AM oo ah waxyar ka hor salaadda subax ayaa waxaa Muqdisho ka biloowday roobka gu’a, kaasoo ay magaaladu ku qabsowsatay.
Mareeg Media
Comments are closed.