Mareeg.com: Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho daaha looga rogay Bank cusub oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, kaasoo lagu magacaabo Premier Bank.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh ayaa xariga ka jaray Bankiga Premier oo ah bangi casri ah oo ay ganacsato Soomaaliyeed ka hirgeliyeen magaalada Muqdisho.
Munaasabad lagu qabtay xarunta bangiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirada maaliyadda, Arrimaha gudaha iyo federaalka, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyo Taliyaha Haya’adda Nabadsugidda.
Munaasabadan ayaa maamulka bangigu waxa ay sharaxaad ka bixiyeen adeegyada uu bangigani bixin doono oo ay ka midyihiin dhigaalka lacagaha, maalgelinta ganacsiga iyo adeegyo kale oo muhiim ah.
Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise ayaa sheegay in bangiga dhexe uu la shaqeyn doono bangiyada dalka kusoo badanaya si ay u buuxiyaan baahida shacabka Soomaaliyeed u qabo bangiyada noocaan ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka bangiga Premier ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dhiirigelineyso ganacsatada Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda.
Bankiga Premier ayaa dhawaan shaaciyey inuu awood u leeyahay inuu lacagaha dadka Soomaaliyeed ee gudaha jooga uga soo xawilo dalka Kenya, kadib markii la xiray dhamaan xawaaladaha Soomaalida ee dalka ka shaqeyn jiray.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.