Muqdisho: Baalayaasha Geboobay Oo La Fogeynayo Iyo Samaafarayaal La Xiray

Read Time:1 Minute, 6 Second

Muqdisho, November 9, 2013: Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray wareegto wadooyinka looga saarayo baallayaasha geboobay, gaar ahaan jidka Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Maxamed Yuusuf oo manta warbaahinta la hadlay ayaa lagu amray shirkadaha adeegsada baallayaashaas iney muddo 20 cisho ah ku bedelaan baalayaasha duugoobay kuna badelaan baallayaal cusub.

Shirkadaha Isgaarsiinta iyo korontada ayaa adeegsada baallayaasha caasamidda, kuwaasoo ah kuwo gaar loo leeyahay oo aysan dowladdu wax shaqo ah ku laheyn.

Dhinaca kale, waxaa manta bilowday xiritaanka samaafare, kaasoo 22 sano kadib dib loga hirgelinayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Samaafarayaasha tijaabada ah oo ku shaqeeya cadceedda ayaa lagu bilaabay qeybo ka mid ah wadada Maka Al-mukarrama oo ah jid muhii u ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

“Nalalka samaafaraha ah waxa ay sahli doontaa in uu yaraado shilalka baabuurta, maadaama ay gaadiidka kala hagayaan” ayuu afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre “Cali gaab” ayaa ka warbixiyay faa’iidada ay wadayaasha gaadiidku u leedahay nalalka samaafaraha ah, loona baahanyahay in bulshada inta aan aqoon la baro.

“Sida aad arkeysaan Nalka samaafaraha ah marka uu soo shidmo gaduudka, macnaheedu waxa ay tahay joogso, marka uu cagaarka shidmana waa dhaqaaq, marka waxa ay ila tahay in barashadiisa ay dadku ku qaadan doonto waqti gaaban.” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %