Muqdisho: Askari boolis ah oo weerar iyo toogasho ah kula kacay dad rayid ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Askari boolis ah oo weerar iyo toogasho ah kula kacay dad rayid ah

Mareeg.com: Askari ka tirsan ciidanka booliiska Soomaalia ayaa maanta weerar ku qaaday dad shacab ah, wuxuuna toogtay 4 qof, iyadoo mid ka mid ah dhintay, halka saddexda kale dhaawacmeen.

Weerarkaayaa ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Cawardii hore ee Muqdisho.

Sida warku sheegayaan askariga ayaa dadka siyaabo kala duwan u weeraray taasoo illaa hadda dadka xaafaddaas ay hadal-hayaan sababta uu askarigan u beegsaday dadkan oo la sheegay inay xigto ahaayeen.

Dadka xaafadda ayaa ka kala cararay markii askarigaan weerarka ku qaaday dadka sacabooleyda ah, hase ahaatee qaar ka mid ah ayuu xabadda la helay.

Ciidamada Saldhigga Booliiska Degmada Hodan ayaa isku dayay inay qabtaan askariga toogashada sameeyay, balse wuu is-difaacay taasoo keentay inay dhaawacaan, markaas kaddibna ay gacanta ku dhigaan.

“Askarigu wuxuu dadka ku weeraray meelo kala duwan, markii hore wiil ay xigto yihiin ayuu gurigiisa ugu tagay oo uu xabbad killida kaga dhuftay, wiil kale oo suuqa joogay ayuu haddana cunaha xabbad kaga dhuftay, markaas kaddib ayaa ciidamada loo yeeray, wuu is-difaacay, isagana dhaawaca ayaa loo geystay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda uu falkaas ka dhacay.

Saraakiisha booliiiska saldhigga degmada Hodan ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay askarigii dhibaatada geystay gacanta ku dhigeen, isagoo ah dhaawac, haatanna uu ku xiran yahay xarunta dambi-baarista ee CID-da.

Ugu dambeyn, saraakiishu waxay sheegeen in baaris lagu sameyn doono sababta ku kalliftay inuu dadkan oo shacab ah siyaabo kala duwan weerar ugu qaado uuna dilo hal qof saddex kalena uu dhaawac u geysto.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!