Muqdisho: Askari bas lagu dhex dilay oo qorigii laga qaatay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Askari bas lagu dhex dilay oo qorigii laga qaatay

Muqdisho – Mareeg.com: Dilal kala duwan ayaa manta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah dilalkaas loo geystay askari ka tirsan milateriga Soomaaliya oo la socday gaar BL ah.

 

Askariga ka tirsanaa milateriga Soomaaliya ayaa rag bastooladu sitay ku dhex toogteen gaar bas ah oo ka baxay Fagax, kuna sii jeediay Suuqa Xoolaha, xilli gaarigu marayey agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad.

 

Rakaabkii saarnaa gaariga ayaa kala cararay markii labada dhalinyaro ee bastoolada watay ay toogteen askariga, kadibna ka qaatay qoriga AK 47 uu watay, waxaana taas keentay in xataa ruuxii darawalka ahaa inuu gaariga ka cararo.

 

Dhanka kale, nin bastoolad ku huybeysan ayaa nin ku toogtay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Warar badan lagama hayo sababta dilka keentay iyo nuuca uu ahaa qofka la dilay.

 

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.