Muqdisho: Agaasime wasaaradeed oo xalay gurigiisa lagala baxay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Agaasime wasaaradeed oo xalay gurigiisa lagala baxay

Mareeg.com: Agaasimaha wasaarada haweenka xukuumadii kalsoonida lagala noqday ayaa xalay gurigiisa oo ku yaalo degmada Waabari lagala baxay.

Kooxo hubeysan oo aan la aqoon cida ay ka tirsan yihiin ayaa agaasimaha Haweenka oo lagu magacabo Max’ed Cumar Nuur  gurigiisa kala baxay xalay markey, waxaana si dhab ah aan loo ogeyn halka ay kooxaha hubeysan mas’uulkaan la aadeen.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka oo u waramay Radi Risaala ee Mqudisho ayaa xaqiijiyay in agaasmaha lala baxay.

Siihayaha wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka, Khadiijo Diiriye ayaa lag wadaa in saacadaha dhow qabato shir jiraa’id ay ku faah Faahineyso weeraraka lagu qaaday guriga Agaasimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ka dibna lagula baxay.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowlada Soomaaliya oo arintaan ku aadan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!