Muqaalki Ugu Dawashada Badnaa Finalka Ciyaartii France vs croatia — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqaalki Ugu Dawashada Badnaa Finalka Ciyaartii France vs croatia

Mosco ( Mareeg News )Xulka Faransiiska ayaa noqday horyaalka dunida ee kubadda cagta, ka dib markii uu ciyaar xiiso leh oo kama dambaystii tartanka Koobka Aduunka ah kaga guulaystay afar iyo laba gool xulka Croatia.

HALKAAN KA DAAWO MUQAALKA

waxaa garoonka ciyaartu ka socotay ee Luzhniki Stadium ee Moscow ku yaal halkaas oo madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu xulka dalkiisa ugu sacab tumayey.

Waxa kale oo xaflado damaashaad ahi ka dhaceen magaalooyinka dalka Faransiiska oo dhan oo ay taageerayaasha xulka dalkaasi ugu dabaal dagayeen mar labaadkii dalkoodu ku guulaysto Koobka Aduunka ee kubadda cagta.

Guushu waxay Faransiiska ku raacday afar gool oo laba ka mid ah midkood xulka Croatia iska dhaliyeen iyo mid Rigoore ah markii dib loo eegay qalabka muuqaalka duuba ee kaaliya garsooraha ciyaartu (VAR) muujiyey in khalad dhacay hase yeeshee calaamad su’aal weyn dadka qaarkii saareen go’aankaas.

Labada gool ee kale waxa u dhaliyey xulka Faransiiska xidigaha soo kacaya ee kala ah Paul Pogba iyo Kylian Mbappe oo noqday kuraygii dhawr iyo toban jir ah ee ugu horeeyey ee gool ka dhaliya ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka tan iyo sanadkii 1958 Pele dabadii.

Tabobaraha xulkaas Didier Deschamps ayaa sheegay in, inkasta oo Faransiisku aanu soo bandhigin ciyaartii wacnayd ee laga filayey ay hadana kooxdu muujisay awood maskaxeed

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!