Mungaab oo magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka dhulka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mungaab oo magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka dhulka

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banadir, Xasan Maxamed Xuseen “Muugaab” ayaa magacaabay gudiga xallinta khilaafaadka kaas oo howshiisu noqon doonto in ay xalliyaan wax walba oo keeni kara is-qabsi sida maamulka, dhulka & guryaha.

Magacaabista gudigan ayaa la sheegay iney dawo u noqon doonto shacabka Soomaliyeed oo qabay cabashooyinka ku aadan dhulka, waana gudi madax banaan oo la soo xulay loona igmaday iney xal waara ka gaaraan wixii caqabada ah oo ay qabaan bulshada Soomaliyeed.

“Cid walba gurigeeda waa dhisan kartaa waana iibsan kartaa mana jirta cid ku heysata laakiin wixii la isku qabsado waa in la kala saaro iyadoo ay ku saleysan tahay caddaalad iyo ka run sheegid taas waxaa gundhig u ah maxkamada iyo cida kale oo ay quseeyso” ayuu yiri gudoomiye Muungaab.

Magacaabista gudigani ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli ay bulshada ku dhaqan caasimada ay baahi weyn u qabeen wax ka qabashada khilaafaadka dhulka, iyadoo gudoomkyaha gobolka horay u joojiyey bixinta dhulka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!