Mukhtaar roobow Shabaan ka baxey mar hore ,Dowlada Ayaa ku mahads.............. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mukhtaar roobow Shabaan ka baxey mar hore ,Dowlada Ayaa ku mahads…………..

August 15 (mareeg)— Sheekh Mukhtaar Roobwo Cali Abuu Mansuur oo goor dhow dowladda Soomaaliya u soo bandhigtay Warbaahinta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga baxay Al-Shabaab.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotelka Royal Palace (EX City Palace), ayaa sheegay in Al-Shabaab uu ka baxay muddo 5 sano iyo todobo bilood, sababta uu uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in mudadaas uu ku jiray duurka, isla markaana Al-Shabaab ku soo weerareen, ayna rabeen inay dilaan, iskana difaacay sida uu hadalka u dhigay

Waxaa uu uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya iyo Saaxibada Beesha caalamka, kaalintii ay ku lahaayeen in heerkan wax soo gaaraan

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wada hadal u socdo dowladda Federaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu marti ugu yahay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ka mahadceliyay sida dowladda iyo madaxdeeda ugu soo dhoweeyeen magaalada Muqdisho, waxaa uu tilmaamay inuu rajo ka qabo sidii nabad loogu gogol xaari lahaa.

Mukhtaar Roobow ayaa waxaa dhinaciisa surnaa Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana la xusuustaa xilligii uu ka tirsanaa Al-Shabaab in dhinaciisa ka baban jiray Calanka madow ee dhexda towxiidka uga qoran yahay.

Mukhtaar Roobow ayaa xilli soo noqday Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab, sidoo kale waxaa la sheegaa inuu mar ka mid noqday Amiir kuxigeenka Al-Shabaab

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!