Muhaajiriin badan oo Itoobiyaan ah Oo Kusii qulqulaya Magaala Boosaaso — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muhaajiriin badan oo Itoobiyaan ah Oo Kusii qulqulaya Magaala Boosaaso

Garoowe ( Mareeg News ) Waxaa deegaannada Puntland ku soo qulqulaya tahriibayaal badan oo ka imanaya dhinaca Itoobiya, safarkooduna ku beegsanaya magaalo xeebeedka Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan.

Safarka muhaajiriinta ayaa ku soo beegmaya xili ay cimilada magaalada Boosaaso aad u kulushahay, safarka badduna uu adag yahay maadaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka.

Tiradii ugu badneyd ee tahriibayaasha ayaa maanta waxay lug ku mareen waddada dheer ee laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo oo 100 Km u jirta magaalada Boosaaso.

Agaasimaha hay’adda daryeelka mujaahiriinta Puntland Maxamuud Sheekh Ciid ayaa Mareeg u sheegay in mudo Laba bilood ka yar ay Puntland soo gaareen dad ka badan toddoba kun oo qof oo muhaajiriin itoobiyaan ah.

Daka Deegaanka ayaa walaac ka muujigay qulqulka Muhaajiriinta itoobiyaanka ah ee ku soo aruuray gobolada maamulka puntland gaar ahaan magaala xeebeeydka boosaaso.

Maamulka puntland iyo Hey’ada jinsiyada iyo socdaalka dowlada federralka somalia weli kama ayna gadlin Arinkan ay walaaca ka muujiyeen Bulshada ku dhaqan gobolka bari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!