Gaalkacyo, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhacday arrin la yaab leh oo ah afduub loo geystay carruur yaryar oo mid ka mid ah jiro 4 bilood oo kaliya.
Carruurta la afduubay oo ahaa 3 ayaa la geeyey tuulada Wisil ee ka tirsan gobolka Mudug, qeybta maamulka Galmudug, waxaana sababta carrurtaan loo afduubay lagu sheegay khilaaf horay usoo kala dhex galay qoys is-qabay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka Wisil ee gobolka Mudug oo la hadlay Idaacadda KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrintaani ka bilaabatay nin u dhashay deegaanka Wisil iyo xaas uu qabay oo kadib markii ay isku dhaceen carruur ay u dhashay la aaday qeybta Puntland ka maamusho gobolka Mudug.
Wuxuu sheegay goob-joogahaan oo aan magaciisa la sheegin in haweeney uu qabay ninka carrurtaan soo afduubay ay 3 carruur oo ay isu dhaleen la aaday deegaanada Puntland, taa badelkoodana uu ninkaas weeraray qoys ay isku heyb yihiin xaaskii caruurta kala tagtay, islamarkaana kazoo afduubtay 3 caruur ah.
Odayaasha deegaanka Wisil ayaa dadaal ay sameeyeen ku guuleystay in dib loo celiyo mid ka mid ah 3-da carrurta ah ee lasoo afduubay, kaasoo ahaa 4 bilood jir, iyadoo laga baqay in noloshiisu khatart gasho.
Ninka afduubka geystay oo ay taageerayaan maleeshiyo beeshiisa ah ayaa la sheegay inuu doonayo inuu ku gorgortamo carruurta uu soo afduubtay, si loogu soo celiyo carruurtii ay kala tagtay xaaskiisii ay khilaafeen.
Inkastoo afduub ka dhici jiray Soomaalya, haddana falkaan lagu afduubtay carruurta ayaa noqday wax lala yaabo, iyadoo weliba sababta loo afduubay tahay carruur ay ku murmeen labadii wada dhalay cidda heyneysa.
Mareeg.com