Muddo kordhin loo sameeyay Ciidamada Turkiga ee xeebaha Somalia  * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muddo kordhin loo sameeyay Ciidamada Turkiga ee xeebaha Somalia 

Baarlamaanka waddanka Turkiga ayaa xalay ansixiyay Qaraar ku saabsan in mudda sannad ah lagu kordhiyo Hawlgalka Ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Hawgalkaas Ciidamada Turkiga oo ku ekaa 10-ka bisha February ee sanadkan 2021, ayaa lagu kordhiyay mudda sannad ah oo ku eg 10-ka bisha February 2022, sida laga soo sigtay Qaraarka Baarlamanka.

Ciidamada Turkiga ee jooga Xeebaha Soomaaliya, ayaa qaabilsan Ilaalinta maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga, si aysan ula kulmin weeraro uga yimaada Burcad-badeedda Soomaalida.

Qaraarka waxa lagu sheegay in Ciidamada Badda Turkiga ee ka hawlgala xeebaha Soomaaliya ay muhiim u yihiin Amniga maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga ee mara Gacanka Cadmeed, sidaas darteedna loo kordhiyay mudda sannad ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.