Mudane ka tirsan Barlamaanka oo wax laga xumaado ku tilmaamey mooshinka laga gudbiyey saacid

Read Time:52 Second

.com-168 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa gudoonka sare ee baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah ra’isul wasaare Saacid , iyagoona ku dhaliilay waxqabad la’aan inta ku aadan mudadii uu xilka hayay . 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia wuxuu sheegay in xildhibaanada ay sugayaan howlo aad u badan oo ay ka mid tahay xalinta khilaafka u dhexeeya madxadsa sare ee dalka, xilligana laga haboonaa mooshinka qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanku ay kasoo gudbiyeen ra’isul wasaare Saacid.

Baarlamaanka Somalia ayuu sheegay inay laga maar maan ay tahay inay dhexdhexaad ka noqdaan arinta khilaafka mas’uuliyiinta dalka Baarlmaanka Somalia ayaa laga sugayaa xalinta khilaafka madaxda sare ee dalka inkastoo qaar ka mid ah xildhibaanadu ay soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah ra’isul wasaare Saacid.

Gudbinta mooshinka ee qar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ay ka keeneen ra’isul wasaare Saacid ayaa siyaabooyin kala duwan loo hadal hayaa maadaama mooshinkan uu yimid iyadoo wali xal aan laga garain khilaafka madaxda sare ee dalka 

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %