Mudaharaadyo Rabashado Wata Oo Caawa Ka Socda Magaalooyin Ka Tirsan Somaliland

Read Time:39 Second

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalooyinka Burco Ceerigaabo iyo Hargeysa ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi ay ka socdaan Mudaharaadyo Rabashado wata oo ay dhigayan taageerayaasha Xisbiga Waddani .

Mudaharaadyadan Caawa ka socda Magaalooyinka Burco Ceerigaabo iyo Hargeysa ayaa waxaa la sheegay in ay dhigayan taageerayaasha Xisbiga Waddani oo si wayn uga soo horjeeda Natiijada galabta ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka maamulka Soomaaliland kuna shaaciyeen in Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Shanta sanno soo socota ay kala noqdeen murrasharixiinta  Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi saylici.

Dhawaqa Rasaas Culus ayaa hadda laga maqlayaa gudaha magaalooyinkaasi,waxaana Ciidamadu ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay u kala Eryi lahaayeen dadkan rabshadaha dhigaya.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay Rabshadahaasi Caawa ka socda Magaalooyinka Burco Ceerigaabo iyo Hargeysa.

 

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %