
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27-kii Bishaan oo shalay ku beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen agagaarka degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarkaas duqeynta ah ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo tiradooda aan la shaacin,isla markaana sidoo kale aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayid ah,sida uu sheegay kuxigeenka Agaasimaha howlgalada, Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Bradford Gering.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa Bishaan Janaayo gudaheeda waxaa uu Soomaaliya ka fuliyey duqeyntii Saddexaad oo uu la beegsaday Xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab