Muqdisho, Mareeg.com: Mooshin khamiistii lasoo dhaafay ay gudoonka baarlamaaanka Soomaaliya u gudbiyeen xildhibaan kor u dhaafaya 160, kana dhan ahaa R/wasaare Saacid ayaa lagu wadaa in maanta loo qeybiyo xildhibaanada baarlamaaanka Soomaaliya.
Kulan shalay ay Muqdisho ku yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyeen labadiisa kuxigeen Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cabdalle Cawad iyo 15-ka gudoomiye ee Gudiyada joogtada baarlamaanka ayaa la iskula gartay in mooshinkaas manta loo qeybiyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa khilaaf xoog leh soo kala dhexgalay, taasoo keentay in xildhibaano la safan madaxweynaha ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah R/wasaare Saacid, waxaana baarlamaanka laga sugayaa inuu khilaafkaan xal ka gaaaro.
Mareeg.com