Mooshinkii ka dhanka ahaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo xal laga gaaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mooshinkii ka dhanka ahaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo xal laga gaaray

Mooshinka oo 42 Xildhibaan ka tirsan barlamaanka ay golaha shacabka u soo gudbiyeen 11 bishaan aya la xariiray in dib loo dhiga maamul u smaynta Hiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isla markaana la sameeyo dib u hehiisan si meesha looga saaro tabashooyinka ay muujinayan qaarka mid ah belaha dega labada gobol.

Guddoonka barlamaanka dalka ayaa xal ka gaaray moshinkaasi kaddib wada hadalo kale duwan oo uu la yeeshay Xildhibanaada keenay soo jeedinta iyo kuwa ka soo horjeeday si loo dar-galiyo howlaha maamul u samaynta goboladda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan .

Qobada lagu xaliyey isla markaana lagu soo afjaray moshinkaas oo ka koobnaa 5 ayaa waxa mid ah in Xukumadda Federalka iyo Xildhibanada ka soo jeeda labada gobol la farayo in ay iska kaashadaan xaalinta tabashooyinka ka dhex jira dhaqanka iyo bulahada, kuna dhameeyaan mudo 45 cisho ah .

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golla shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayey kulanka maanta barlamankaa ayaa golaha ka hor akhriyey qobada lagu dhameeyey moshinkaasi.

Barlamanka Soomaaliya kulanka maanta waxa warbxiinku aadan akhrinta labaad ee sharciga ladagaalanka argagixisada waxa ay ka dhagaysteen guddiga amniga golaha .

Xildhibaan Dahir Amiun Jeesow guddoomiye ku xigeenka guddiga amniga baarlamanka ayaa Xildhibanadda u soo jeediyey lix qobad oo ka mid ah sharciga ladagaallanka argagixisada in wax ka badal lagu sameeyo.

Mudane Maxamed Cabdalla Cawad guddomiye ku xigeenka baarlamanaka ayaa tilmaamay in wada tashaiyada lagu samaynayo sharciga ladagallanka argagixisada lagu soo dhamaystiro mudo bil ah, guddiga iyo Xukumaduna ay iska kashadaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaradda Amniga Qaranka ee Xukumadda Soomaaliya Cabdinasir Maxamed Cali ayaa sidoo kale maanta baarlamanka u soo gudbiyey shrciga ka hortaga waxyabaha qarxa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!