Mooshinkii ka dhanka ah RW Cabdiweli oo la geynayo baarlamanka & buuq oo laga cabsi qabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mooshinkii ka dhanka ah RW Cabdiweli oo la geynayo baarlamanka & buuq oo laga cabsi qabo

Mareeg.com: Waxaa lagu wadaa in maanta baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyo mooshinka ka dhan RW Cabdiweli Sheekh Axmed, kaasoo horay labo jeer u fashilmay.

Iyadoo maanta la sugayo fadhiga baarlamaanka ayaa xalay gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuu la kulmay xildhibaanada iska soo horjeeda.

Gudoomiye Jawaari ayaa kala hadlay labada garab ee baarlamaanka Soomaaliya ee kala taageersan madaxweynaha iyo RW inaan shirka buuq laga abuurin.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka tirsan Xogheynta baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in maanta uu jiro fadhiga baarlamaanku, islamarkaana ajandaha uu ka mid yahay mooshinka codka kalsoonida loogala laabanayo R/wasaare C/weli Sheekh.

Dhanka kale, waxaan digiin soo saaray xidlhiibanada diidan mooshinka ka dhanka ah RW Cabdiweli.

Kulan gaar ah oo ay Xildhibaanada shalay galab ku yeesheen mid ka mid ah hotelada Muqdisho ayay war saxaafadeed kaga soo saareen, iyagoo si kulul u weeraray Gudoonka Baarlamaanka warkii ka soo baxay jimcihii.

Xildhibaanada difaacaya RW ayaa sheegay iney tilaabo u qorsheysan qaadi doonaan marka maanta la furo kulanka baarlamaanka, islamarkaana gudoonku shirka soo galo. Ma carabaabin tilaabada ay ku dhaqaaqi doonaan.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa saxaafada u aqriyay war saxaafadeedka ay ka soo saareen kulankooda, waxaana uu xusay in mooshin sharci daro ah aan la keeni karin Baarlamaanka.

“Bishan markii ay aheyd 19 gudoomiyaha baarlamanku wuxuu warqad u qoray xildhibaanada wada mowshinka sharci darada ah, isagoo u sheegay in mowshinkan aan la keeni karin baarlamanka, iyadoo aysan ka wada hadlin labada dhinac iyo gudoonka baarlamanka, hase ahaatee 15 saacadood ka dib wuu hadlay wuxuuna cadeeyey in mowshinka la keenayo maalinta Isniinta ah isagoo weliba hanjabaad ku daray” ayuu yiri Xildhibaanka Cabdi Barre Jibriil.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa sheegay in haddii ay yihiin xildhibaanada mowshinka diidan ay u arkaan hadalka Gudoomiyaha Baarlamanka, mid sharciga khilaafsan, isagoo ku eedeeyey Gudoomiye Jawaari inuu si cad ula saftay xildhibaanada iyaga ka horjeeda ee mowshinka wada.

“Madaxweynaha Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan ku wargelinaynaa in maalinta berri ah wixii ka dhaca baarlamanka ay qaadi doonaan Madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamanka iyo xildhibaanada wada mowshinka sharci darada ah wada”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil.

Waxaa uu uu ugu baaqay gudoomiyaha baarlamanka inuu raali gelin ka bixiyo hanjaabada uu u soo jeediyey xildhibaanada diidan mowshinka, wuxuuna xusay in gudoomiyuhu uu xildhibaanada amar siin karo una hanjabi karo inta fadhiga lagu guda jiro, balse meel ka baxsan fadhiga uusan xildhibaan kale ugu hanjabi Karin.

“Waxaan aad uga xumahay in xildhibaanada naga soo horjeeda ee mowshinka wada ay maalin walba iyagoo afartan ama konton ah ku shiraan hotel saxaafadana ka sheegaan iney yihiin 170, Waxaan xog ku hayaa iney maanta ku shireen Hotel Naasa hablood-2 waxaa timid 67 xildhibaan waxay warbaahinta ka sheegeen iney yihiin 180, waxaan leeyahay xildhibaanadaas sharafta leh danta ummadda u shaqeeya shacabka Soomaaliyeedna ha arko cida dhibaatada wada, anaga waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal la yeelano madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamanka iyo xildhibaanada naga soo horjeeda” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre Jibriil.

Kulanka xldhibaanada taageersan R/wasaare Cabdiweli ayaa waxaa ka horeeyey kulan ay hotel kale ku yeesheen xildhibaanada doonaya in la rido R/wasaaraha.

Gudoomiye Jawaari ayaa hadal uu horay u jeediyey uga digay qaar ka mid ah xildhibaanada iney carqaladeeyaan kulanka baarlamaanka oo labo jeer oo hore socon waayey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.