Muqdisho, Mareeg.com: Dooda baarlamaanka Soomaaliya ka yeelanayo kalsooni kala laabashada R/wasaare Saacid ayaa weli ka socota xarrunta golaha shacabka, waxaana laga yaabaa in islamaanta xukuumadda codka kalsoonida loo qaado.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in isla maanta codka kalsoonida loo qaadayo Ra’iisul Wasaaraha, marka uu soo dhamaado Dooda Xildhibaanada.
Prof. Jawaari ayaa hadalkan sheegay ka hor inta aan Xildhibaanada Baarlamaanka aysan u bixin waqtiga salaada, waxaana Gudoomiyuhu cadeeyay in marka ay soo gaba gabeeyaan Xildhibaanada dooda la qaadi doono codka.
Waxaa maanta doodooda jeediyey inta badan xildhibaanadii halaku u harsanaa, waxaana ilaa hadda aan hadli ilaa 15-Xildhibaan.
Dhanka kale, kadib markii loo baxay salaadda duhur ayay xildhibaanada kala taageersan madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Saacid bilaabeen iney gaargaar u kala showraan.
Lama oga natiijada maanta soo bixi doonta iyo cidda labada dhinac guuleysan doonta.
Wixii soo kordha kala soco Mareeg.com