Mooshinka ka dhanka ah maamulka Juba oo baarlamanka Somalia uu sabtida cod u qaadayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mooshinka ka dhanka ah maamulka Juba oo baarlamanka Somalia uu sabtida cod u qaadayo

Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Odawaa oo maanta laga sugayey inuu hortago baarlamaanka oo shalay dalbay ayaa ka baaqsaday arrintaas, wuxuuna codsaday in la siiyo waqti dheeraad ah oo uu kusoo diyaar garoobo.

Wasiirka ayaa baarlamaanku rabay inuu wax ka weydiiyo cabasho ka taagan dhismaha baaralamanka maamulka Juba, iyadoo beelaha qaar ku doodayaan iney jirto beel wax qeybsi ku heshay degmo aan la aqoonsaneyn.

Markii wasiirku imaan waayey kulanka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gudoomiyaha baarlamaanku arrintaas ku wargeliyey xildhibaanad, wuxuuna yiri “Ajandadaa iyada ah wasiirku shalay markii aan gaarnay go’aanka warqad baanu u qornay aan leenahay waa in aad soo xaadirtaa oo warbixin siisaa golaha, hase yeesheee waxaa uu noogu soo jawaabay in uusan hadda diyaar ahayn oo la siiyo waqti dheeeraad ah, sida uu xeer hoosadku qabana wuxuu markaa xaq u leeyahay 78 saacadood ka hor in loo sheego”.

Xildhibaanada soo qoray mooshinka golaha horyaalay ee laga keeenay maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa ay soo jeediyeen in cod loo qaado mooshinka markii mudanayaasha loo bandhigay qodobkaas, waxaana badatay tirada qabtay in mooshinka cod loo qaado, hase ahaateee waa suuragali weysay maadaama kooramka loo baahnaa uu soo dhameestirmi waayay, waxaana u codeynta mooshinkaas dib loogu dhigay maalinta sabtida ah ee soo socota.

“Inkastoo uu kooramku ku furmay 151 xildhibaan, hadana waxaa goobjoog ah 105 mudane, marka kooramku ma dhama, waxaanu ka dhigeynaa maalinta sabtida ah, hadii alle yiraahdo” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.