Mooshinka ka dhanka ah baarlamanka Juba oo socda & Debadbax ka dhacay Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mooshinka ka dhanka ah baarlamanka Juba oo socda & Debadbax ka dhacay Kismaayo

Mareeg.com: Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalnintii labaad ka doodaya mooshin ka dhan ah baarlamaan goboleedka maamulka Juba oo beelo badan ka cawdeen qaabka lagu soo xulay dadka xubnaha ka ah.

Dhowr xildhibaan ayaa shalay baarlamaanka federaalka ah horgeeyey mooshin lagu doonayo in meesha looga saarayo baarlamaanka maamulka Juba oo dadka ka horjeeda sheegaan in Axmed Madoobe uu ku shubtay dhismaha baarlamaankaas, isagoo garab ka helaya Kenya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shir guddoominayay kulankii shalay ayaa sheegay in inta hartay Xildhibaanada ka doodaya mooshinka maanta oo Talaado ah la dhameystiri doono.

Baarlamaanka Juba oo ka kooban 77 xildhibaan ayaa lagu dhawaaqay 15-kii bishii April, 2015, wuxuuna gudoomiye doortay isla bishaas.

7-dii bishaan May, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kismaayo uga qeybgalay munaasabadda caleema sarrka, gudoomiye baarlamaanka Juba, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan.

Lama oga in mooshinkaan ay ku guuleysan doonaan xildhibaannada keenay iyo inkale, iyadoo baarlamaanka Juba yahay baarlamaan munaasabaddii caleema saarka gudoomihiisa ka qeybgalay madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxaa shalay magaalada Kismaayo ka dhacay debadbax uu soo abaabulay maamulka Juba, kaasoo looga soo horjeeday mooshinka ka dhanka ah baarlamaankaas ee la hor geeyey baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

jub-l291271215241172537316243

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!