Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Xeer Ilaaliyaha & Hanti Dhowrka Qaranka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Xeer Ilaaliyaha & Hanti Dhowrka Qaranka

Mareeg.com: Ilaa 12 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudoonka u gudbiyey qoraal ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo Hanti Dhowaraha Guud.

Gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa sheegay in 12-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ay u soo gudbiyeen qoraal lagu doonayo in labadan xafiis su’aalo looga weydiiyo arrimo la xiriira howlahooda, wuxuuna xusay inay ku wargeliyeen in berri ay horyimaadaan baarlamaanka.

“Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo tiradoodu tahay 12 ayaa maanta ii soo gudbiyay qoraal ay ku doonayaan inay su’aalo ku weydiiyaan xafiisyada xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo kan Hanti-dhowrka guud, labadana berri ayaan u yeernay,” ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa sheegay in maalinta berri ay Baarlamaanka hor imaan doonaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka guud, si ay uga jawaabaan su’aalo laga weydiinayo mooshinka laga soo gudbiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay amar ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha oo ahaa in Wasiirada aanay safri karin, iyagoo aan xilkooda wareejin ama aanay fasax ka heysan Madaxweynaha.

Amar ka soo baxay Hanti dhowrka guud ayaa waxaa maalmo ka hor lagu xiray Agaasimihii Wasaarada Haweenka Maxamed Cumar, kaasoo lagu soo eedeeyay ku takri fal awood xafiiseed.

Kalfadhiga shanaad kulankiisa 16-aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa kale oo horyaalay ajande ah Akhrinta iyo ansixinta heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 20-kii November sanadkii 1989-kii iyo Akhrinta labaad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo sharcigan u gudbisay baarlamaanka, isla markaana kulanka ka hor akhrisay marxaladihii uu soo maray ayaa ka codsatay in ay ansixiyaan.

Dood dheer kaddib mudaneyaasha baarlamaanku waxa ay meel mariyeen shaciga ilaalinta Xuquuqda Carruurta, waxaana 140 mudane ay haa ogolaatay, halka mudane ka tirsan baarlamaanka uu ka aamusay, mana jirn cid diiday, sidaasina uu ku meel maray.

Intaas kaddib waxa ay mudanayashu gudaha galeen in ay talooyin ka dhiibtaan Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ah, iyadoo ay jiraan Xildhibaanno soo jeediyay in la joojiyo hirgelinta Nidaamka Federaalka oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid wax u dhimaya aayaha Soomaaliya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!