Mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha oo loo gudbiyey Baarlamanka Soomaliya

Read Time:42 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Ilaa 65 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudoonka u gudbiyey mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimaha federaalka, C/llaahi Goodax Barre.

Mooshinka ka dhanka ah wasiir Goodax ayaa maanta gacanta loo geliyey gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana mooshinkaas xildhibaanada u aqriyey xildhibaan C/naasir Gaarane.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiir Goodax ayaa sheegay in wasiirku uu baarlamaanka qanci waayey markii golaha shacabka looga yeeray ee su’aalo la weydiiyey, islamarkaana sida ay leeyihiin uu sameeyey khaladaad xagga maamulka ah.

Isla maanta ayaa baarlamaanka ka dooday mooshinka laga keenay wasiir Goodax, waxaana hadlay dhowr xildhibaan, kuwaasoo fikrado kala duwan qabay.

Dhawaan ayuu baarlamaanka Soomaaliya u yeeray wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre iyo wasiirka amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed, waxaana mid kasta su’aalo laga weydiiyey holwaha wasaaradiisa.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.