Mombasa: Maxkamad 21 Sano Ku Xukuntay Nin Lagu Soo Dacweeyey Shabaabnimo

Mombasa – Mareeg.com: Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa 21-sano oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Alshabaab, laguna magacaabo Salim Chagawa Karisa oo loo yaqaanay Ciise.

Salim Chagawa Karisa ayaa ka mid ahaa dad lagu xiray howl-gal sanadkii hore ay sameeyeen ciidamada amniga dalka Kenya. Howlgalka ninkaas lagu qabtay ayaa la sheegay inuu ku wajhanaa dhallinyari ka laabtay Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa sheegay in Ciise lagu helay dembi la xiriira in uu qorsheynayay weerarro argagixiso oo laga fuliyo magalooyinka Mombasa iyo Nairobi. Waxaa kaloo la sheegay in xilligii la qabtay lagu helay bastoolad.

Masuul u hadlay booliska Mombasa ayaa tilmaamay in Ciise la qabtay isagoo ku sugnaa goob lagu qaxweeyeo oo lagu magacaabo Bagras Cafe, waxaana uu xusay in dacwaddan ay u dhacday si cadaalad ah.

Ciisa ayaa dambiyada xukunkiisa loo adeegsday ka mid ah in uu aaday Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2010 iyo 2012 isagoo tababar sare ay soo siisay Al-Shabaab.

Xukanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo aad loo adkeeyay amniga Mombasa iyo Nairobi, islamarkaana todobaadkii hore Mombasa laga qabtay dhallinyaro badan oo Muslimiin ah oo ku sugnaa Masjid lagu magacaaboi Musa.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245