Mombasa, Mareeg.com: Booliska Kenya ayaa manta magaalada Mombasa ku dilay nin ay si aad ah u doon-doonayeen cidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalkaas.
Ninka la toogtay waxaa magaciisa lagu sheegay Xasan Suleymaan Mwayuyu, waxaana ciidamadu ku dhex toogteen bas uu la socday.
Booliska ayaa sheegaya in Mwayuyu ayay uu ahaa nin tababarro ku siin jiray gudaha dalkaas xoogag ku biiraya Xarakada Al-shabaab ee dalka Soomaaliya, iyadoo la sheegay in dhallinyarada uu inta badan ka kexeyn jiray deegaannada Kwale, Changamwe iyo Kisauni.
Ninkan ayay walaalo ahaayeen Xasan Nyiro oo booliiska Kenya ku dileen bishii Juun ee sannadkan 26-keedii xaafadda Kisauni, kaasoo la sheegay inuu dhallinyarada u qori Al-shabaab tababarrana ku siin jiray gudaha Kenya.
Booliiska Kenya ayaa sheegay Isniintii lasoo dhaafay in ninkan uu mas’uul ka ahaa weerarro kala duwan oo lagu qaaday kaniisado ku yaalla dalka Kenya, waxaana u suurogashay ciidamadu inay maanta oo Sabti ah toogtaan.
Taliyaha booliska Kwale, Richard Mugwai ayaa sheegay in aroornimadii hore ee saakay 8:00 aroornimo Xasan Mwayuyu lagu dhex-toogtay bas yar oo ay saarnaayeen 29-qof oo rakaab ah, isagoo xusay inay baaritaan ku sameyn doonaan arrintaas.
Mareeg.com