Mohamed Bin Salmaan “Israaiil waxeey xaq u leedahay ineey hesho dal”

Read Time:57 Second

Reyad ( mareeg news) Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa qiray in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore.

Amiir Maxamed ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.

Sacuudigu si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa’iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoon.

Sacuudiga iyo Israa’iilba waxay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah.



Iyadoo dhawaanaha nin yahuudiya isku soo sawiray masjidka nabiga ayaa hadana waxaa ay tan wax badan ka badaleysaa mowqifkii sacuudiga ee uu ka qabay israailiyiinta, boqortooyada sacuudiga ayaa furtay dulimaad ganacsi oo u dhaxeeya reyad iyo talaabiib waxaxeyna lawadan wadan ku shiraakowayaan sida muuqata cabsida ay kamuujinayaan in ay uga timaado dhanka iraan iyo xoogaga ay taagerto.

 

Sacuudiga waxuu mudooyinkaa dambe qarash badan ku bixinayay sidii loo ilaalin lahaa amniga israaiil iyo kala dhex gelitaanka xalada khilaaf ee gaamurtay ee u dhaxeeysa israaiil iyo falastiiniyiinta.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %