Milkiilha Shabeelle iyo SKY FM oo maxkamad lasoo taagay damiina lagu sii daayey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milkiilha Shabeelle iyo SKY FM oo maxkamad lasoo taagay damiina lagu sii daayey

Mareeg.com: Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta ogolaatay in damiin lagu sii daayo milkiilaha Radio Shabeelle iyo SKY FM Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, kaasoo manta isaga iyo wariye kale la horkeenay maxkamadda kadib 2 bilood ay xabsiga ku jireen.

Maanta oo ah 21 Ocotbre 2014 ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa la soo taagay Guddoomiyaha Shabelle Media Network, Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, iyo Wariye Axmed Cabdi Xassan halka jeelka looga soo tagay wariye Maxamed Bashiir Xaashi iyo Agaasimaha SKY FM Maxamuud Maxamed Daahir Carab oo isku kiis loo wada heystay.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa ku eedeysay milkiilaha Shabeelle arrimaha kala ah: Dhiirigelinta in weriyaashu galaan dambiyo, Kicin dadweyne, Khiyaano qatan iyo ka hortaga ciidamada amaanka.

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa Maxkmadda Gobolka Banaadir ka hor codsaday in ugu yaraan muddo todobaad ah dib loo dhigo dhageysiga dacwada loo heysto Cabdimaalik, isagoona sheegay in ay soo dhameystirayaan cadeemaha kiisaska loo heysto.

Qareenada u doodayay wariyeyaasha ayaa iyaguna dalbaday in damaanad lagu sii daayo wariyeyaasha, waxaana la ogolaaday in Milkiilaha Idaacada Shabelle damniin lagu sii daayo.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur, ayaa codsiga Xeer-ilaalinta kadib ee dib u dhigista dacawada ogolaaday codsiga kale ee qareennada ee ahaa in damiin lagu sii daayo milkiilaha Idaacada, iyadoo wariyihii kale ee Maxkamada lala keenay dib loogu celiyay xabsiga.

Axmed Cali Daahir ayaa Maxkamada ka dalbaday in haddii damiin lagu sii deynayo guddoomiyaha Shabelle laga qaado baasaboorka uu heysto, maadaama uu yahay nin wata baasaboor ajnabi ah, islamarkaana ay suuragaltahay inuu baxsado.

Maxkamada ayaa waxaa ka soo qeyb galeen madaxda warbaahinta qaar, siyaasiyiin, xildhibaano iyo ehelada wariyaasha xirin.

Maxkamada ayaa amartay in baasaboorka milkiilaha laga qaado, isla markaana document-iyadiisa la dhigi doono garoomada diyaaradaha, si aanu dalka uga bixin.

Madaxda iyo maamulka Radio Shabeelle iyo SKY FM ayaa horay loogu eedeeyey iney ku kaceen falal amaanka kazoo horjeeda iyo bulsho kicin, waxaana xabsiga la dhigay 4 ka mid ah maamulka iyo weriyaasha labadaas Idaacadood, waxaana hawada laga saaray labada FM.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!