Milkiilaha & shaqaalaha Shabeelle oo la baarayo

Mareeg.com: Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inay baaritaanno ku socdaan milkiilaha idaacadaha Shabeelle iyo Sky FM ee magaalada Muqdisho, C/maalik Yuusuf Maxamuud.

Maxamed Yuusuf ayaa xusay in sidoo kale la baarayo qaar ka tirsan shaqaalaha idaacadahaas oo iyaguna lala xiray milkiilaha. Idaacadaha ayaa lagu eedeeyay inay faafiyeen warar wax u dhimaya amniga qaranka.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka nabad-sugidda ayaa shalay lagu xiray labada idaacadood, milkiilaha iyo qaar ka tirsan shaqaalaha.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaas loo soo taagi doono maxkamad.

Ciidamada Nabadsugidda ayaa shalay labadaas Idaacadood ka xiray ilaa 15 ruux oo kala ahaa:

1- Guddoomiyaha Idaacadda Shabelle, C/maalik Yuusuf Maxamuud

2- Agaasimaha Idaacadda SKY Maxamuud Maxamed Daahir Carab.

3- Axmed Cabdi Xasan

4- Cali Axmed Cabdulle

5- Maxamed Axmed Maxamed Jimcaale

6- Ibraahim C.kariin Ismaan

7- Mustaf Cabdi Nuur Shafaana

8- Mustaf Cabdi Abshir

9- Maxamed C.qaadir Suldaanka

10- Ilyaas Aadan Cabdulle

11- Yaxye C.laahi Maxamed

12- Nuurdiin Shardi

13- Guuleed Cali Cismaan

14- Maxamed Cali Cismaan

15- Shacbaan