Milateriga Turkiga oo xoog ku galay Suuriya soona baxsday qabri iyo askar ilaalineysay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Turkiga oo xoog ku galay Suuriya soona baxsday qabri iyo askar ilaalineysay

Mareeg.com: Milateriga dalka Turkiga ayaa xalay galay dalka Suuriya si uu soo saaro qabriga Suleyman Shaah, kaasoo ahaa awoowaha Aasaasihii dowladdi Cuthmaaniyiinta iyo ciidamadii ilaalinayey.

Ra’iisalwasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa xaqiijiyay in kolonyo badan oo ciidamada Turkiga ah iyo baabuurtooda ay ku guulaysteen inay ka raraan qabrigii Suleymaan Shaah iyo ciidamadii ilaalinayay waqooyiga Suuriya.

Mr Davutoglu ayaa sheegay in soddon iyo siddeed ciidamada joogay mawlacaas oo ay hareereeyeen ciidamada dowladda Islaamiga ah in si nabad ah ay Turkiga ugu soo noqdeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in loo qaaday qabriga meel u dhow xuduuda, halkaasoo laga ilaalin karo dagaalka ka socda Suuriya. Milateriga Turkiga ayaa halkaas ka taagay calanka dalkoda.

150222100543__81161431_turkey_getty

Howlgalka oo ay ka qeybgaleen ilaa 600 oo askari iyo 100 taangi iyo gaadiid kale ayaa ilaa 30 KM gudaha u galay dalka Suuriya, waxeyna soo mareen soona mareen deegaano ay ka taliso dowladda Islaamiga ah.

Sida uu sheegay Ra’iisalwasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ma jirin wax iska hor-imaad ah oo dhexmaray ciidamada dalka Turkiga iyo kuwa Dowladda Islaamiga ah, hase ahaatee askari Turki ah ayuu sheegay inuu dhintay dhil dhacay.

Qabriga Suleyman Shaah oo ku yaallay daanta wabiga Furaat ayaa sida uu dhiagayo heshiis la gaaray sanadkii 1921-kii waxaa iska leh dalka Turkiga, wuxuuna dalkaasi xaq u leeyahay iney ciidamadiisu ilaaliyaan.

Suleymaan Shaah oo noolaa sanadihii u dhaxeeyey 1178 ilaa 1236 ayaa ku dhintay wabiga Furaat oo ku dhacay isagoo ka baxsanayey duulaan ay kusoo qaadeen Magooliyiintii.

Qabriga Suleyman Shaah ayaa waxaa la sheegay iney ilaali jireen ilaa 400 oo askari oo Turki ah, kuwaasoo is badela.

Turkiga ayaa u galay gudaha Suuriya si ay haraaga qabrigaas u soo saaraan ka hor inta aysan halkaas ka saarin xoogaga Dowladda Islaamiga ah oo caan ku ah iney faagaan qabriyada dadka magaca leh.

Dhanka kale, dowladda Suuriya ayaa geletaanka ciidamada Turkiga ee dalkeeda ku tilmaamtay gardarro cad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Suuriya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!