
Mareeg.com: Miltateriga Soomaaliya, qeybta ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay 11 dhallinyaro ah oo la sheegey iney ka tirsan yihiin Alshabaab iyo hub ah nuuca fudud.
Milateriga ayaa sheegay in 11-kaas nin oo lagu soo bandhigay xarunta Taliska ciidanka 12-ka April ee xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka soo qabteen inta u dhexeysa Janaale iyo Degmada Qoryooleey iyaga iyo hubkooga.
Ciidamada soo qabtay raggan ayaa ka shakisan in kooxdan hubka sidatay ay dambeeyeen gubitaanka gaadiid shacab oo lagu gubay deegaannadaasi iyo dad kale oo rayid ah oo iyana lagu dilay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha ururka 30-aad guutada 5aad ee qeybta 12-ka April ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe, Axmed Absuge Cabdulle ayaa sheegay in ragaasi oo watay 7 qori lagu soo qbatay howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
“Howlgallo maalmahaan oo dhan socday ayaa waxaan ku soo qabanay maxaabiista aad u jeedaan, oo hubeysan, waa ururka Al-Shabaab, waa nimankii baabuurta ku gubi jiray, Qoryooleey iyo Janaale inta ka dhexleh, dadka ku dhici jiray, soo booddo ahaan meesha u geli jiray, nimankan waa niman caadeystay inay ummadda dhibaateeyaan, waxaa lagu gubay 5 baabuur wadadaas, 18 qofna waa lagu dilay” ayuu yiri G/Dhexe, Axmed Absuge Cabdulle.
Madaxa Waaxda Siyaasadda ee Qeybta 12-ka April ee ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle sare, Yuusuf Cali Cageey ayaa sheegay in kiiska raggan ay u gudbinayaan maxkamadda ku shaqada leh si loo marsiiyo calaadda, sida uu yiri.
“Sida kiiskan nagu soo gaarayo waxa ay ahayd, in niman kaba dilaaysan, ka qatarsan Al-Shabaab inay jiraan oo dadka hilbahooda goo gooyo, oo weliba suubsaday, xirfado kale oo gaar ah, waa lagu daba jiray, maantana waad u jeediin hubkooda iyo wajigooda, marka waxaan u gudbineynaa Maxkamadda iyo cidda ay quseyso, xoogga dalka cid maxkamad ma saaro ee wuu soo qabtaa, wuuna bur buriyaa, libinteena waan ku guuleysanay, waxaan sugeynaa libinta Maxkamadda” ayuu yiri G/sare Cageey.
Dadka ay soo bandhigeen ciidamada milateriga waxaa ku jiray dhallinyaro aad u da’ yar, waxaana ka muuqday daal farabadan, mana jirto cid madaxbanaan oo kala cadeyn karta in dhallinyaradan ahaayeen maleeshiyo beeleed iyo iney ka tirsan yihiin Alshabaab.
Mareeg Media