Muuri, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in milateriga Soomaaliya oo shalay iyo maanta dagaal la galay maleeshiyo beeleed ay gacanta ku dhigeen dhamaan goobaha lagu dagaallamay ee ku dhirirsan laamiga u dhaxeeya Muuri, Nambar 50 ilaa deegaanka Saliini.
Dagaalkii saaka dhacay ayaa la sheegay inuu aad uga yaraa kii shalay dhacay, iyadoo manta ciidamada milaterigu dagaalka ku galeen in ka badan 20 gawaarida dagaaalka ah.
Jen. Qaafow oo ka mid ah saraakiisha hogaamisa milateriga Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen dhamaan deegaanada saara wadada laamiga ah ee ku dhow deegaanka Nambar 50.
Gen. Qaafow ayaa sheegay in dagaalka ay milateriga Soomaaliya ku qaadeen maleeshiyaad uu sheegay iney is hortaageen howlgal ciidamadu wadeen, wuxuuna xusay iney la midyihiin Alshabaab.
Goobjooge ku sugan meel ku dhow deegaanka dagaalku dhacay ayaa u sheegay Mareeg.com inuu arkay ciidamada milateriga oo isku dhiririyey wadada laamiga ah marta deegaanka Nambar 50.
Goobjoogahaan ayaa sheegay in maleeshiyaadkii deegaanka ahaa ee la dagaalamay milateriga ay u baxeen dhulka dhanka bari ka xiga laamiga ee deexda ah.
Gudoomiyaha deegaanka Nambar 50, C/llaahi Waafow oo ka mid ah raga hogaaminaya maleeshiyada ka horjeeda ciidamada dowladda ayaa sheegay in saaka laga saaray deegaanka Nambar 50 balse ay din u qabsadeen sida uu yiri.
Milateriga ayaa shalay weeraray deegaanada ay ku sugnaayeen maleeshiyo beeleedka Biimaal, kuwaasoo isku sheegay madani, ahaatee sida la leeyahay saraakiisha ciidamadu ku eedeynayaan iney dhigtaan isbaaro, xiriirna la leeyihiin Alshabaab.
Odayaasha iyo siyaasiyiinta kazoo jeeda beesha Biimaal ayaa ku doodaya iney dhulkooda ku duuleen maleeshiyo beeleed Habargdir ah, oo soo xirtay dharka ciidamada, arrintaas oo uu beeniyey oday kazoo jeeda beesha la eedeeyey.
Imaam Cumar Macaallin oo ka mid ah odayaasha beesha Habargidir ayaa sheegay ineysan dagaalkaas wax lug ah ku laheyn biishiisu, wuxuuna sheegay in cidda halkaas weeratay ay tahay dowladda Soomaaliya.
Imaam Cumar ayaa sheegay in Jen. Goobaale oo ka tirsan taliyaasha milateriga Soomaaliya uusan shaqada ciidan u heyn beel, balse uu hogaamiyo guuto ka mid ah milateriga Soomaaliya.
Dagaalkii shalay iyo manta ka dahcay deegaanka Nambar 50 iyo dhulka ku xeeran ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 10 ruux oo isugu jiray dhinacyada dagaallamay iyo dad rayid ah.
Mareeg.com